Dhageyso: Jeneraal Xuud oo ku dhaartay dagaal uu DF ‘uga xoreynayo’ Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee u dhaxeysa ciidmada dowladda federaalka iyo jabhad uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, iyadoo saakay duleedka magaalada Beledweyne uu ka dhacay dagaal dhex maray labada dhinac.

Jeneraal Xuud oo la hadlay BBC isaga oo ku sugan deegaanka Ceelgaal ee duleedka magaalada Beledweyne ayaa sheegay in maamulka cusub ee HirShabeelle uu ku dhisanyahay sharci darro.

“Maamulka HirShabeelle markii horaba sharci darro ayaa lagu dhisay, iyadoo ay sidaa tahay ayaa hadana la baalmaray heshiiskii hore ee dhinaca awood qeybsiga, kaas oo ahaa in madaxweynuhu ka yimaado gobolka Hiiraan” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay baalmartay heshiiskii markii hore lagu aas-aasay HirShabeelle, isagoo tilmaamay in taas aysan arbali doonin dadka reer Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa mas’uul ka ah arintaan dowladda dhexe ee federaalka oo ujeedada ay ka leedahay oo kaliya tahay in ay halkaa ka hesho xildhibaano marka dambe iyaga dib u soo doorta” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay dhinacyada ay khuseyso uu kala hadlay arrintan, balse xalkeeda cid kala xaajoota uusan weli helin.

“Waxaan la hadalnay doorashadii Jowhar ka dhacday ka hor, laakiin ninkan madaxweynaha sheeganaya waxuu nagu yiri aniga Nabad iyo Nolal ayaa i wadata, marka anigu Cali Guudlaawe madaxweyne uma aqaan, mana iman karo Beledweyne, waxaana leeyahay war iga joog Allahaa haduu Alle yahay” ayuu yiri Abuukar Xuud.

Waxa uu sheegay in uusan hadda dagaal diyaar u aheyn, balse cidii soo waararta uu iska difaaci doono, “Anigu waxaan diyaar u ahay in la wadahadlo oo xaqa meeshaas ku jira banaanka loo soo saaro” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Hadalka Jeneraalkan hoggaaminaya jabhadda ka aas-aasantay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta banaanbax looga soo hor jeedo weerarkii ay jabhadiisa ku qaadeen ciidamada dowladda federaalka uu ka dhacay magaalada Beledweyne.

Dadkii banaanbaxa dhihayey ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah maamulka cusub ee HirShabelle iyo madaxweyne Farmaajo, iyagoo si gaar ah madaxweyne Farmaajo ugu guudiyey inay Villa Somalia ugu tegayaan hadii tabashadooda aan wax laga qaban, sida ay sheegeen.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa beeniyey in maanta magaalada Beledweyne uu ka dhacay banaanbax looga soo hor jeedo HirShabeelle.

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa beeniyey in ciidamada dowladda federaalka ay saakay ku duuleen deegaanada ay ku suganyihiin maleeshiyada uu hoggaamiyo Jenaraal Xuud.

“Korneyl Xuud ilma adeer ayaan nahay, korsiga uu u doonayo waa midka aan ku fadhiyo, aniguu Alle ii calfay, isaguna ha sugto, markii Alle u calfo waan kula shaqeyn doonaaye” ayuu yiri Dabageed.

Hoos ka dhageyso labada wareysi