Daawo: Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay in doorasho aysan dhici karin + Sababta

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mudooyinkii dambe ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, waxuuna ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorashada dalka.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn ticsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isaga filanyihiin inay iska qabtaan cawadgooda, balse nasiib darradu ay tahay in ninkii ay doortaanba uusan isku howlin taas.

Arrimaha doorashada dalka ayuu si adag uga hadlay, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo, isagoo sheegay in haatan Gedo laga aas-aasay kuwo ka daran jabhadihii dalka burburiyey sagaashamaadkii, sida uu sheegay.

“Waxaa la yiri doorasho sidaan haloo qabto maamul kastana laba magaalo ha ku qabto, anaga waxaa noo qiran inaan Kismaayo iyo Garbahaarey ku qabano doorashada, marka su’aashu waxay tahay Jubbaland maanta Garbahaarey ma ka talisaa? Jabhado iyo ciidan ayaa lagu sii daayey, maanta jabhadihii sagaashamaadkii ayaa wax lagu raadinayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in madaxda federaalka ay fuliyaan wixii lagu heshiiyey oo gobolka Gedo ay ku soo wareejiso Jubbaland.

“Doorasho kuma dhaceyso noocaan afduubka ah, dalkan waxaa looga baahanyahay wixii lagu heshiiyey in la fuliyo, madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowladda federaalka waxaa looga baahanyahay inay kala saaraan, nooca lagu heshiiyey inay doorashadu u dhacdo iyo ololahooda doorasho inay kala saaraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sidoo kale waxuu sheegay in doorasho aan heshiis lagu aheyn oo aan loo sineyn aysan dalka ka dhici doonin, “Weli caqabad ayaa gobolka Gedo naga heysata dowladda federaalka ayaa jabhadeyn ka wada, waxaan leeyahay dowladda iska soo wareeji gobolkaas,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dalku u baahanyahay badbaado, isla markaana aan la isugu jawaabin whadallo dalka ku celin kara halkii laga keenay.

“Dadka wax tabanaya hala ixtiraamo, madaweynuhu haduu yahay musharax waa inuu ka dhex baxaa heshiiska doorashada oo uu banaanka ka istaago musharaxiinta kalena uu ula sinaado,” ayuu yiri.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa balan qaaday in xubnaha Jubbaland ku metela guddiyada doorashada hadii ay dalbadaan musharaxiintu uu bedeli doono.

Axmed Madoobe ayaa soo jeediyey in guddoomiyaha Aqalka Sare loo madax baneeyo sidii loo soo dooran lahaa kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi, “Haduu Cabdi maanta yahay masuulka sedaxaad ee dalka ugu sareeya oo aniga uu imetelayo ma waxuu meteli waayey midda uu ka soo jeedo,” ayuu yiri.

Hoos ka Daawo