26.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Ceynte oo ka hadlay guusha laga gaaray Shirka London & waxa laga filankaro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada London kusoo dhamaaday shirka Madaxda Qaranka, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay Madaxda Soomaalida iyo kuwa Beesha Caalamka.

Madaxii qaban qaabada shirka C/raxmaan Ceynte oo ka hadlay sida uu shirka u dhacay ayaa sheegay in DFS ay gaartay guul la taabankaro.

Ceynte waxa uu sheegay in shirka uu laf-dhabar u ahaa Horumarka Umadda Soomaaliyeed waxa uuna tilmaamay in guul laga gaaray shirka.

Ceynte ayaa sheegay in meel la isla dhigay qodobadii shirka looga hadlay oo dhan, kuwaasi oo kala ahaa Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo heshiis ku saabsan qaabkii Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay u wada howlgeli lahaayeen.

Ceynte waxa uu carab dhabay in caalamka uu garwaaqsaday in Somalia ay u baahan tahay in laga caawiyo dhammaan qodobadii shirka looga dooday.

Ceynta ayaa sidoo kale sheegay in Lix bilood kadib hadii uu Alle idmo in kulan kale oo caalami ah la iskula soo noqdo, lana qiimeeyo howshii lagu balamay meesha ay mareyso.

DFS ayaa sheegtay in shirka London uu dawo u ahaa dhibta ka jirta dalka waxa ayna ku celcelisay in shirkaani uu yahay mid ka duwan kuwii hore isla markaana ay filanayaan guul.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu wadaa in Madaxda DFS iyo kuwa caalamka mar kale dib isugu soo laabtan iyadoo leysla daraaseynaayo wixii qabsoomay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News