Akhriso tallaabooyinka loo qaadayo xoojinta amniga qaranka ee laga soo saaray shirka Londo

London (Caasimadda Online) – Shirkii Soomaaliya uga furmay shalay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa laga soo saaray ilaa 31 qodob oo lagu heshiiyey.

Waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineyaa qodobada iyo tallaabooyinka ku aadan xoojinta amniga qaranka ee shirkaas laga soo saaray:

  1. Waxaan aqoonsaneynaa qorshaha amniga ee Soomaaliya lana dar dar galiyo hormarinta amniga iyo dhaqaalaha dalka in la tayeeyo, wxaana loo baahan yahay in tababaro kala duwan oo tayo leh la siiyo ciidanka Soomaalida si ay colaadaha usoo idleeyaan iyo qolyaha xag jirka ah.
  2. Waxaan soo dhaweyneynaa heshiiskii siyaasiga ee taariikhiga ahaa kaasi oo dhex maray hogaamiyasha Soomaaliya 16-kii April 2017 si la isugu daro ciidamada dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada si ciidan qaran guud ee Soomaaliya loo helo.
  3. Waxaan ku heshiinay inaan hogaamino qorshaha siyaasadeed ee Soomaaliya la timid ee ku aadan dhisada ciidan qaran iyo in beesha caalamka ay taageero buuxdo ka hesho.
  4. Heshiiska siyaasadeed ee madaxa Soomaaliya waxaa ku jirto in madaxda ay amaanka gobolada guud sugan si 2021 hadafyada siyaasadeed ee dagsan loo gaari karo ayadoo beesha caalamka ciidanka Soomaalida garab tagnaan doonto.
  5. In la aqoonsado Soomaaliya inay awoodo soo dhoofsashada hubka iyo rasaasta ayadoo raaci doonto xeerka heshiiska cunaqabateenta Soomaaliya dhanka hubka ka saaran oo qayb ahaan horey loo qaaday.

Waxaana la qaadi doonaa talaabooyin muhiim ah oo taxadar badan ku dheehan si loo gaaro in Soomaaliya gabi ahaanba laga qaado xayiraada hubka.

  1. Waxaa la aqoonsaday in ka ganacsiga dhuxusha sharcidarada ah uu yahay il dhaqaalo oo ay argagaxisada siweyn ugu tiirsan tahay sidoo kalena xasiloon darada gobolkana lagu wado.

Waxaa loogu baqaayaa dhamaan qaybaha kala duwan inay u hogaansamaan qaraarka golaha amaanka ee ganaaxayo in dhuxusha Soomaaliya la dhoofiyo.

  1. Waxaan sidoo kale aqoonsaneynaa hormarinta ciidanka Soomaaliya ay ku xiran tahay sida ay ula shaqeeyaa ciidamada kale ee dalka ku sudan sugida amaankana ka qayb qaadanayaan.
  2. Waxaa kaloo lagu talinaa in AMISOM hawsha adag oo ay hayaan lagu bogaadiyo sidoo kalena ay muhiim u yihiin sugida amaanka guud sidoo kalena ay kaabayaan dhisada ciidanka Soomaaliya.
  3. Waxaan taageero siineynaa qorshaha ah in amaanka guud ee Soomaaliya lagu wareejiyo ciidanka qaranka Soomaaliya wixii ka dambeeyo 2018 oo ay AMISOM ku wareejin doonto, waxaana loo baahan yahay in talaabo kasto cadaato ahdaafteedana ay dhameestiran yihiin.
  4. Waxaa la bogaadinayaa dadaalada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada amaanka bada ee ka hortagaan burcad badeeda sidoo kalena aad loo yareeyay sanidihii ugu dambeeyay hadanan weli qatarta burcad badeedka waa mid jirto oo u baahan in wax weyn laga qabto.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET