Xuutiyiinta Yemen oo laba bil kadib ogolaaday in Soomaalidii lagu laayey Yemen…

By Asad Cabdullahi Mataan

Sanca (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ayaa aqbalay in la aaso meydadka Soomaali badan oo diyaarahada Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ku laayeen xeebaha dalka Yemen.

Qusnulka Soomaaliya ee Yemen Axmed Sudan ayaa sheegay in dedaal badan oo ay sameeyeen ku guuleysteen in ay Xuutiyiinta aqbalaan in la aaso dadka dhintay.

Wuxuu sheegay in markii hore ay doonayeen Xuutiyiinta in dowladda Federaalka Soomaaliya ka helaan warqad ay ku cadeynayaan in dadkaasi la laayey ay dileen diyaaradaha Isbahaysiga.

Meydadkan ayaa qaboojiyeyaasha ku xareysnaa ku dhowaad Labo Bil, waxaana meydadka halkaasi yaalla ay tiro ahaan yihiin 42.

Dhanka kale Soomaalidii ku dhaawacmay duqeyntaasi ayaa ka codsaday dowladda Soomalaiya iney wax u qabato, lana xisaabtanto isbahaysi duqeyntaasi fuliyey.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET