China oo shaaca ka qaaday arrin aan horey loo shaacin oo heshiiska kaluumeysiga badda Somalia qeyb ka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda China ayaa shaaca ka qaaday arrin aan horey loo shaacin oo qeyb ka ah heshiiska kalluumeysi ee ay la gaartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in heshiiska uu qeyb ka yahay in maraakiibta China loo oggolaaday in ay Hub soo qaadan karaan si haddii ay la kulmaan weerarrada Burcad Badeedda isaga difaacaan.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay Bisha soo socota billaabi doonto ka kalluumeysiga Xeebaha Soomaaliya kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya ruqsad u siisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii la soo dhaafay waxaa ay Ruqsad kalluumeysi siisay Sharikado ka badan 30 Markab oo ka kalluumeysan kara biyaha Somaaliya.

Heshiiska labada dal ay wada galeen ayaa waxaa ka mid ah in Maraakiibtaas ay muddo sanad ah ka kalluumeystaan xeebaha Soomaaliya dibna loogu cusbooneysiin karo sanad kale.

Hay’adaha ka faallooda Amaanka Badaha ayaa sheegaya in sanadkii la soo dhaafay ee 2017 ay Burcad Badeedda Soomaalida geysteen weerarro ka badan sanadkii ka horreeyay ee 2016kii.

Heshiiskan ayey dowladda Federaalka ah u aragtaa soo jiidashada Maalgashatada iyo Kalluumeysatada Caalamiga ah, taas oo iyana qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com