Maamulka gobolka Hiiraan oo shaaciyay dad lacag ku bixinaya dagaalka Maxaas

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa wali tagan xiisadda ka dhalatay dagaal beeleedka maalmahaan ka dhacayay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad wada daga degmada Maxaas.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, ayaa sheegay in dadka dhaqaalaha heysta ee kasoo jeeda deegaanka ay horinayaan dagaalka labada beleed ku dhexmaraya degmada Maxaas.

Inka badan 15 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka labada maleeshiyaad ku dhexmarayay deegaanada hoostaga degmada Maxaas, waxaana hadda muuqata cabsi dadka deegaanka heysata.

Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay duleedka degmada Maxaas shalay galintii dambe, xilli halkaasi ay ku sugan yihin gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo tiro xildhibaano ah ay ka baxay Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday shacabka iyo waxgaradka labada beeleed in seddex meelood meel dhaqaaladooda ay ku bixiyaan xalinta iyo dhameynta dagaalka, halkii ay hurinta colaada ku bixin lahaayeen.

Maleeshiyaadka ku dagaalamaya degmada Maxaas ayaa isku haya aanooyin qabiil oo ka bilowday dhul daaqsimeed, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Waxaa socdo dadaalo maamulka Hirshabeelle ay ku doonayaan in lagu dhameeyo dagaalka, iyaga oo nasiib daro ku tilmaamay in xiligan labo beeleed oo wada daga degmada Maxaas ay dagaalamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hirshabeelle
Caasimada@live.com