CIA-da oo fashilisay qorshe halis ah oo ay Sacuudiga dejiyeen laguna dili lahaa…

Oslo (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka Mareykanka ayaa nin u dhaq-dhaqaaqa arrimaha Falastiiniyiinta oo magan-galyo ku jooga dalka Norway uga digtay inay jirto halis xooggan oo kaga imanaysa Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska The Guardian ee kasoo baxa London.

Iyad El-Baghdadi, oo si aad u dhalleeceeya dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa digniintan loo diray 25-kii April, markaasi oo mas’uuliyiinta Norway ay dejiyeen meel lagu sugo amnigiisa.

Dowladda Norway ayaa u sheegtay Iyad El-Baghdadi inay digniin ka heshay hay’ad sirdoon oo shisheeye, waxaana wargeyska The Guardian uu qoray in hay’addaas ay tahay CIA.

“Waxay ii xaqiijiyeen inay digniintan u qaadanayaan si dhab ah, waxay ii yimaadeen ayaga oo diyaarsan” ayuu yiri Iyad.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta ay gurigisia yimaadaan ayaga oo ka kooban laba koox oo ciidamo ah kadibna u kaxeeyeen meel qarsoodi ah si loo bad-baadiyo.

Iyad El-Baghdadi, oo Falastiini ah, ayaa magan-galayada Norway loo ogolaaday sanaddii 2015 kadib markii ay xireen islamarkaana soo masaafuriyeen Imaaraadka Carabta, ayada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

CIA-da iyo safaaradda Sacuudiga ee Washington wax jawaab ah kama aysan bixin warbixin The Guardian.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com