Xildhibaan Nac-nac oo ka hadlay dagaalka xisbiga Waddani iyo xukuumadda BIIXI oo meel xun gaaray

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Xukuumada Muuse Biixi iyo xisbiga Waddani oo muddooyinkii udambeeyay meel xun gaaray.

Xildhibaan Nac-nac ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalada ay Mas’uuliyiinta Xukuumadda Biixi iyo xisbiyada Mucaaradka ah isku waydaarsadeen Warbaahinta, isagoon soo jeediyey inaan hoos la iskugu dhaadhicin ee Waxqabad la’aan la isku dhaliilo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa wuxuu yiri “Maalmahan waxad mooda inay xisbiyadii ay ka xumaaday, oo ku batay yooyotankii ku batay, Waxaan leeyahay Xisbiyada wixii siyaasad ahayne ha innaga hadho, Gurigaaga Shaah lagama cabbo ayay maraysaa, markaa waxaan leeyahay walaalayaal Dad Walaalo ah ayaynu nahay aynu dib iskugu oo noqono, meel kala tagi mayno”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxqabad la’aan aynu isku dhaliilno, laakiin Gurigaaga Shaah lagama cabbo iyo waxaas ayaad ahayd, hadallada noocaas ah aynu iska dayno, Cadow keliya ayaynu leenahaye aynu iska caabbino”.

Dhowaan unbey aheyd markii ay Siyaasiyiinta kala ah, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ismaaciil Aadan Cismaan iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka wada tirsan Xisbiga Waddani, ay Xukuumadda Biixi ku dhaliilen Madaxtooyada cusub ee xukuumadu ka dhisaneyso Galbeedka Hargeysa iyo xarig ay kula kacday Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ah ee Xisbiga Waddani.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan oo eedaymahaa ka difaacayey Xukuumadda uu ka tirsanyahay ee Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu ku tiraabey kalmado ku cusub cunfiga siyaasadda ah.

Wasiir Abokor ayaa mar uu ujawaabayey Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, ayaa waxa uu yiri “Gurigaaga Biyo lagama Cabbo”, taasi oo uu xildhibaan Nac-nac aad uga xumaaday, uguna baaqay in waxqabad la isku dhaliilo oo aan hoos la iskugu dhaadhicin.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com