DF oo shaacisay qorshe uu Sacuudiga ku doonayo in DF iyo Somaliland ay…

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku soo biirtay dalalka Geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka ee tar-tanka ugu jira dhex-dhaxaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaana martigelinta wada hadaladii ugu horeeyey ee dhex-mari lahaa Xukuumadda Farmaajo Iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi.

Tobaadkii hore ayey ahayd markii uu safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat uu booqasho ku yimid Somaliland, kaasi oo kulamo la yeeshay Madaxweyne Muus Biixi iyo Xukuumaddiisa

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo 2-dii bishan May Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Somaliland, kaasi oo uu arrimo dhowr ah kala hadlay.

Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Dowlada Sucuudigu kusoo biirtay dalalka doonaya inay dhex-dhexaadiyaan Somaliland iyo Soomaaliya ee rabba inay martigeliyaan wada hadaladii u dhaxeeyey Hargeysa iyo Muqdhisho.

Warkan ayaa waxaa sheegay Raysal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed “Horta runtii waddamada rabba inay Somaliland iyo Soomaaliya dhax-dhaxaadiyaan maanta wey badan yihiin Turkiga, Sucuudi Arabiya, Itoobiya Ereteriya  iyo waddamo kale oo badan .”

Illaa iyo hadda wax waqti looma qaban goorta ay dib u billaabmayaan wada-hadalalda labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com