Yuusuf Garaad: Sonna waa loo dabray warbaahinta

Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa markii u horeysay ka hadlay habka loo maamulo Warbaahinta Qaranka.

Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in warbaahinta qaranka sida Radio Muqdisho, Telefishinka Qaranka ama Wakaaladda Wararka SONNA, ay Madaxdeedu ay u dabreen warbaahinta kale ee ay tartanka kula jirto.

Garaad ayaa tusaale u soo qaatay in warbaahinta qaranku ay baahisay xil ka qaadistii Maareeyaha Golaha Guurtida, halka aysan baahin is-casilaadii Wasiirka Warfaafinta oo isagu warbaahinta ka sheegay, isagoona ku eedeyay Warbaahinta qaranka inaay isku dayday inay warkaas ka qariso bulshada.

Yuusuf Garaad ayaa waxa uu ku tilmaamay talabaadaas ay warbahintu qaranka qaaday inay tahay nidaamkii ay warbaahinta qaranku ay ku socotay xiligii militerigu uu dalka ka talinayay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa qoraal uu arrimahaas kaga hadlaya wuxuu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa:

“Dhowaan waxaa xilka laga qaaday Maareeyaha Golaha Murtida. Warbaahinta Qaranka ayaa bulshada u sheegtay.

Wasiirka Warfaafinta ayaa isaguna iska casilay xilka Wasiirnimo. Weli kuma hayo war ka baxay Radio Muqdisho, Telefishinka Qaranka ama Wakaaladda Wararka SONNA in uu Wasiirku is casilay.

Markii uu militerigu dalka ka Talinayay nidaamkaas oo kale ayay ku socotay Warbaahinta Qaranku. Ugu yaraan waa ay u shaqeyneysay maaddaama aanay jirin meel kale oo warka laga helo.

Xilligan digitalka ee saxaafadda bulshada, Raadiyayaal iyo telefishinno tiro badan ay tartan ku jiraan, ma garan karo maskaxda ku talineysa Wasiir isagiiba idaacadaha iyo saxaafadda bulshada soo taagan oo is fasiraya, ee waliba adiga oo aan raadin aad ku dhex arkeyso mobile-kaaga in Warbaahinta Qaranku ay isku daydo in ay warkaa ka qariso bulshada.

Casirigan war jira lama qarin karo, laakiin waxa kaliya oo ay Madaxdu sameyn kartaa waa in ay amar ku dhiibaan in aan wararka aan dhegeahoodu jecleysaneyn laga sii deyn idaacadda, taas oo natiijadeedu noqoneyso in Warbaahinta Qaranka loo dabro Warbaahinta kale ee la tartameysa”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com