Mareykanka oo dhalashada kala noqday Sheekh Soomaaliyeed oo caan ah

Portland (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa muwaadannimada kala laabtay Imaamkii hore ee masjidka Al-Saabir ee magaalada Portland ee gobolka Oregon kadib markii uu tagay Hargeysa, toddobaadkii tagay.

Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye ayaa horey ugu jiray liiska dowladda ee dadka aan duuli karin, hase yeeshee dowladda ayaa u habaysay safar uu dalkiisa Soomaaliya dib ugu laabanayo, kadib markii uu heshiis la gaaray dowladda bishii Janaayo.

Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in Sheekh Maxamed uusan ka hor-iman dowladda oo kala noqotay dhalashada, islamarkaana wuxuu qirtay inuu been u sheegay saraakiisha hay’adda socdaalka, markii uu dhalashada Mareykanka qaadanayey bishii July ee 1997-kii.

Sheekh Maxamed oo 57 jir ah ayaa arbacadii tagtay wuxuu diyaarad ka raacay magaalada Seattle, taasi oo gaysay Dubai, wuxuuna uga sii gudbay magaalada Hargeysa.

Bishii October ee 2018, garyaqaananda dowladda ayaa maxkamadda racfaanka ee federaalka u sheegay in Sheekh Maxamed lagu daray liiska dadka aan duuli karin sababo la xiriira taariikhdiisa hore.

Waxa uu ahaan jiray dagaal-yahan ka tirsan kooxda Mujaahidiin ee dalka Afghanistan kula dagaalamay ciidamada Ruushka ee qabsaday. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu taageero jihaadka hubaysan, kadib markii la dhageystay cod si sir ah looga duubay

Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye

Codkaas la duubay ayaa ahaa sheeko dhex-martay xubno si hoose ula shaqeeya FBI-da iyo kooxda loo yaqaan Portland Seven oo ah shaqsiyaad loo maxkamadeeyey inay ku biiri rabeen Al-Qacida, kana qeyb gali lahaayeen dagaalka ay kula jiraan ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.

Dowladda ayaa ku eedeysay Sheekh Maxamed inuu qariyo xaqiiqooyin ku saabsan noloshiisa ama uu si qaldan u sheegay markii uu codsanayey dhalashada Mareykanka.

FBI-da ayaa u sheegtay xeer-ilaaliyayaasha wasaaradda cadaaladda in Sheekh Maxamed uu horey ula soo shaqeeyey Sheekh Osama Bin Laden iyo hogaamiyayaal kale oo argagixiso oo ka mid yahay Makhtab Al-Khidamat oo loo yaqaan MAK.

Waxa uu sidoo kale qariyey inuu sanaddii 1993-kii lagu xiray dalka Pakistan, sida ku cad waraaqaha maxkamadda.

Sheekha iyo dowladda ayaa isku raacay in kala noqoshada dhalashada ay ahayd wax habboon, si asna loogu ogolaado inuu Mareykanka ka tago.

Heshiiskan la gaaray ayaa Sheekh Maxamed u diidaya in inta noloshiisa ka harsan uu adeegsado xuquuqdiisa muwadaannimada ee Mareykanka oo uu helay 14-kii August 1998.

Waxaa sidoo kale lagu amray inuu buuxiyo warqad uu uga tanaasulayo kaarkiisa degenaanshaha Mareykanka ama Green Card uuna kusoo diro boosatada DHL wax aan ka badneyn shan maalmood kadib marka uu tago Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com