Shirka Garoowe: DF ha garowsato maamullada awoodda dastuurku siiyay

Rammadan Mubaarak: wali waxaan xasuusnahay oo aan marna qalbigayga ka go’in weedho uu igu yiri nin ka mid ahaa diplomats-iyiintii wax ka qaban qaabinayay shirkii Soomaalida loogu qabtay Kenya sanadkii 2002dii, waxaase iigu darnayd oo mar kasta oo la gaaro bisha Rammadaan si gaar ah dib ugu soo noqda  xasuustayda weerihii u dambeeyay sheekadii aniga iyo ninkaas ina dhex martay. Bishii Oktoober bartamaheedii isla sanadkaas bay ahayd, maalmihii uu shirkaas bilowday, waxaan isugu nimid dhismaha  wazaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya, intii uu ii waramayay ninkaas wax farxad i geliya marna iima sheegin, waxaana innagu soo fool lahaa bishii Nofeember oo horaanteeda (afarteeda ama shanteeda) ay ku beegnayd bishii barakaysnayd ee Ramadaan, markaan ka tagayay baan malaha si gocosha ah aadna moodayso inaan wali isaga la hadlayo ama aan sheekadii la sii wado waxaan iri “Waa soonkii 12aad oo ay ummdda Soomaaliyeed colaado iyo dagaalo ku soomayso!”  markaasuu intuu garabka iga dharbaaxay si uu i sagootinayo oo dhowr talaabo albaabkii xafiiskiisa i soo dhaafiyay i yiri “Waan ka xumahay inaan sidaas ku iraahdo, adigu soonkii 12aad baad ka hadlaysaayee waad arki doontaa iyadoo soonkii 20aad colaado iyo dagaalo ku soonta!”…Maanta waxaa inoo curaty bishii barakaysnayd ee Ramadaan waana Soonkii 29aad!…Ramadaan Mubaarak!…

Sida muuqata shirkan Garowe laysugu yimid wuxuu ku soo aaday shin-khayr, wuxuu ku soo aaday bishii barakaysnayd ee Rammadaanka!…bil ay muhiim tahay inuu qofka muslimka ah wanaagga labo jibbaaro, xumaanta iyo beentana ka fogaado, shacabkuna waxay qabaan rajo weyn oo ah inuu shirkaan ka duwanaan doono dhammaan shirarkii ka horeeyay ee dhex maray xukuumadda federal-ka iyo madaxda maamul goboleeddada, waxayna rajaynayaan in go’aannada ka soo baxaya shirka Garowe ka socda ay noqon doonaan kuwo looga gudbo danaha shaksiyadeed isla markaasna soo dedjiya in shirku garowsado sidii looga gudbi lahaa xaaladda qalafsan ee dadka iyo dalka ku suganyihiin, isla markaasna uu soonkaan noqdo kii is af-garadka iyo nabadda ay ka bilaabanayeen.

Hasa yeeshee waxaa rajada natiijo wanaagsan oo shirka ka soo baxda ay dhab ahaan ku xirantahay hadba sida ay xukuumadda federal-ka ama madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre u tanaazulaan, iyadoo waliba sida laga war qabo ay xukuumadda federalka si weyn ugu tagri fashay awooddeeda lana oran karo dalka waxay dib ugu celisay heer uu mar hore so dhaafay oo ah sharci daro iyo in qofka madaxda ah uu ka sareyn karo sharciga. Waxaa iyadana xusid mudan in madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha ay iyaga noqdeen golihii xeer dejinta oo ay soo jeediyaan waxa qaynuun noqonaya iyo wixii aan noqonayn, golohooda waziiradana ay u ansixiyaan, lana inkiray  hay’adihii shaqdaas lahaa, waana arrintaas sababta ugu weyn ee madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHeyre aysan khaladkooda u fahmi karayn.

Waxaa iyadana tallaabo wanaagsan ah mowqifka ay qaateen maamul goboleeddada si ay u xaqiijiyaan in qawaaniinta dalka u taala lagu dhaqmo, xukuumaddana lala xisaabtamo, waayo golayaashii  shacabka sida muuqata xukuumadda waxay ku soo hubsatay xabaasha, guddoomiyihii golaha shacabka Max’ed Cabdi-Raxmaan Mursal wuxuu si dadban laakiin muuqata u oqday ninka seddexaad ee golaha xukuumadda, waana midda keentay in golaha fulinta uu si  aan  baqdin  ku jirin ay u bedelo qaabkii doorashada, diyaariyana sidii ay muddada u kororsan lahaayeen. Madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHeyre illaa iyo hadda sida muuqata shirka waxay ku joogaan qaab ay is leeyihiin ama ay doonayaan inay iska hor keenaana maamul goboleeddada. Maamullada Koonfur-Galbeed iyo Hir-SHabeelle oo iyagu la rumaysanyahay inay taageersanyihiin madax-weyne Farmaajo iyo xukuumadda KHeyre ayeey haboonaan lahayd  inay ka fiirsadaan taageeradooda inay waafaqsantahay dastuurkii lagu heshiiyay, taasoo macnaheedu yahay inay danta ummadda ku jirto iyo in kale, waana inay ka fekeraan natiijada ka soo baxaysa inay ka go’aan golaha maamul goboleeddada, waayo waxay dhaawac ku keeni karaysaa isu soo dhowaanshihii dad-weynaha ku kala nool maamulada kala duwan.

Muddo kororsi marna sharci kuma noqdo xaalad deg-deg ah oo uu wadanku galo, maxaa yeelay qawaaniinta dalka ayaa hagaya dhammaan xaaladaha dalka la soo gudboonaada, xaaladdaha degdegga ah waa qayb ka mid ah arrimaha  dastuurka uu qeexayo,waliba dal kasta, waxaana sida mararka qaarkood dhacda aad arkaysaa dal xaalad degdeg ah soo rogaya laakiin soo maray  sababaha sharciga ah ee dastuurku siiyay adeegsanayana awoodda uu qaynuunka u xaddiday ee xaaladdaas la dhamaanaysa iyadoo aan waxba muddo la kordhin…Donald Trump baaba caqli dhaamay oo hadalkii mid ka mid ah taageerayaashiisa oo yiri “Trump waxaa ka khasaaray labo sano oo Muller uu baaraayay sidaas daraadeed waa in loo gudaa labadaas sano” jeer soo dhigay  tweeter-ka laba jeer, anigu maba is lahaynba nin ka sarrigasha Trump baa jira.

Waxaa intaas oo dhan ka daran madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha maba oggolaba in awood iyo is maamul hoose ay leeyihiin maamul-goboleeddada waxayna doonayaan inay marin habaabiyaan dadka shacabka oo intooda badan aysan wali fahmasanayn nidaamka lagu soo heshiiyay iyo waxa uu uga duwanyahay kii hore ee ay yaqaaneen, waxayna macanihii ku soo koobeen inu yahay nidaam wax kala qaybinaya oo keliya iyagoo aan marna sheegayn intiisa fiican iyo sida dadku wax u wada leeyihiin iyo in nidaamku diidayo awood marooqsi iyo keli talisnimo sida ay hadda rabaan inay dalka ku maamulaan Farmaajo iyo KHeyre iyo ku fikirka ah. Waxaana sida hadda la ogyahay  ay Farmaajo Kheyre hadda soo galeen heshiisyo aan waafaqsanayn dastuurka dalka waxayna markii horaba garbo duubeen golayaashii la xisaabtami lahaa, dagaalka ay ku jiraan waa mid indho sarcaadin ah inta ay wax uga fulayaan, waxyaabaha ay heshiisyada ku soo galeen waxaa ka mid ah badaha iyo dekadaha, kheyraadka dalka, dhammaantoodna waa heshiisyo wasakh ah oo aan la hor keeni karin umadda…Farmaajo wuxuu Itoobiya kula soo heshiiyay 4 dekedood oo Soomaaliya ah qaabkee buu ugula heshiiyay lama yaqaan, waan ognahay Itoobiya iyadii baa baqtinaysa oo dalkeedii maal gelin u raadinaysa… way ina weydiisan kartaa inay dekedaheen wax uga soo degaan kana dhoofsadaan annagoo kula heshiinayna hadba xaaladda suuqa sida ay tahay!……

KHeyre, shidaalkii dalka oo dhan buu suuq geeyay laakiin waxay su’aashu tahay talo aysan maamul goboleeddadu wax ka ogeyn, golayaasha kale ee dowladuna aysan ansixin  waxba kama soconayaan, ama mugdi ha lagu soo heshiiyo ama arkab dushiisa ha lagu soo kala qorto, dadka Soomaaliyeed iyagay u taalaa siday badahooda iyo kheyraadkooda u ilaashan lahaayeen, walaacna kama qabaan inay ilaashan karaan… dowladaha raba inay saxiixyo dad daneystayaal ah ku boobaan kheyraadka ummadda waxba kama qaadayaan shacabka Soomaaliyeed.

Way fiicnaan lahayd,  aad bay u fiicnaan lahayd Farmaajo iyo saaxiibkiis KHeyre inay iimaanka isku sugaan oo dadka aysan kala fogeyn, waxaa hubaal oo aan cidna ka qarsoonayn maamul goboleeddadu waxay taaganyihiin meeshii u dambaysay oo ay uga go’i  lahaayeen xukummadda federal-ka ah. DHibaatadaba waxay ka timid guddoomiyaha golaha shacabka Mursal oo kaalintiisii u hadiyadeeyay Farmaajo iyo KHeyre oo awooddoodii inay ku tagri falaan u saamaxay xummaan kasta oo timaadana isaga ayaa qayb ka ah, hadana shirka lama keenin, sababta laysaga reebayna ma uu garanayo…sida hadda wax ku socdaan waxay tagaysaa in wax Beesha Caalamka isugu yeera ay mar kale ay soo dhex galaan labada dhinac, taasin danta ummadda kuma jirto… Sow ma fiicnaan lahayn marka Farmaajo iyo saaxiibkiis KHeyre inay intaas fahmaan soonkaan uu noqdo kii ugu dambeeyay ee shacabka Soomaaliyeed ay ku soomaan is-qab-qabsi iyo khilaaf oo aan lagu darin soonkii soddonaad oo colaad iyo lagu khilaaf iyo dagaal lagu soomo!…

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan