Maamulka Puntland oo ka soo horjeestay go’aan ay qaadatay DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Diinta Puntland, Cawil Sheikh Xaamud Maxamed ayaa ka soo horjeestay guddi qaabilsan kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan, oo ay dhowaan magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka waxaa uu sheegay in aan laga tashan Wasaaradda diinta ee maamul goboleedyadda, islamarkaana wasaaradda ay qaadatay go’aankaan si kalinimo ah.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Puntland ay si cad uga horjeeddo guddiga ay magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya ee loo xilsaaray kala xulista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada Xajka ee sannadkan.

“Waxaannu dareemaynaa, in wax badan oo isdaba-maris ah ay jiraaniin, wax badan oo daacadnimaa in ay meeshii ka maqantahay, ballantu sidii ay ahayd in wasaaraddu oga soo baxdo ayaan rabnaa oo ay nagu soo wareejiso, wasaaradda Caddaalada ee Dowladda Puntland ay ku soo wareejiso, si iyadu markaa arrimihii Xajka iyo Shu’uunteeda ay u qunto” ayuu yiri wasiirka.

Cawil ayaa dladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay musuq-maasuqday qoonadii Puntland ka heshay  11500 (kow iyo toban kun iyo shan boqol) oo xujeey ah, kuwaasi oo Sacuudigu u xadidday in ay  Sannadkan ka soo xajiyaan gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com