Ciidamada afarta lug leh oo ka qeyb qaadanayaya sugida amniga shirka IGAD

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray nawaaxiga goobta uu shirka IGAD ka furmi doono ayaa sheegay in halkaasi lagu soo daadiyay ciidamada Afarta lug leh oo loola jeedo Eeyaha ciidanka ah ee ka hortaga waxyaabaha Qarxa.

Eeyahaani oo loogu magacdaro ciidamada Afarta lug leh ayaa waxaa isticmaalaya ciidamada AMISOM iyo kuwa Booliska Soomaalida kuwaasi oo lagu baarayo goobaha looga shakiyo in lagu aasay waxyaabaha qalqal galinkara amniga.

Eeyahaani ayaa waxaa loo tababaray la dagaalanka walxaha Qarxa waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi lagu arkaayo Eeyo aad u farabadan.

Eeyahaani ciidanka ah ayaa waxaa ku jira kuwo dhawaan loogu deeqay ciidamada Booliska dowlada kuwaasi oo si gaar ah u baaraya dadka, gaadiidka iyo Goobta uu shirka ka furmi doono.

Sidoo kale, waxaa saakay la mamnuucay diyaaradihii ka duuli jiray iyo kuwa kasoo degi jiray Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii la sheegay in Garoonka ay kasoo degi doonaan Madaxda IGAD.

Jawiga Goobta shirka ayaa ah mid degan waxaana halkaasi laga mamnuucay gabi ahaan gaadiidka shacabka iyo kuwa dowlada inta aan ka aheyn gaadiidka Seddexda mas’uul ee dalka ugu sareysa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka ayaa lagu wadaa in goordhow uu gaaro Garoonka Aadan Cadde oo ay kasoo degi doonaan Madaxda ku bahoobay IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com