Shacabka Muqdisho oo yaab iyo culees kale lagu soo kordhiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay la yaabanaa xernaan waddooyinka magaalaada Muqdisho ayaa maanta lagu kordhiyay culees hor leh.

Ciidamada nabad sugida oo lagu soo daadiyay waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa shacabka oo maalmihii lasoo dhaafay la qabsaday raacid la’aanta gaadiidka waxay u sii diideen iney wadooyinka qaar ku lugeeyaan.

Shacabka ku sugan hareeraha waddada Maka Al Mukarama ayaa maanta gabi ahaanba loo diidayaa  iney laamiga gooyaan, waxaana kaliya loo ogolaaday iney xaafadaha ku dhex lugeeyaan.

Sidoo kale shacabka ku nool degmada Shangaani ayay maanta ku adag tahay iney gooyaan ama ka gudbaan laamiga Isgoyska Jubba waxaana la arkayaa ciidamada amaanka oo waddooyinka diidaya.

Sidoo kale wadada hormarta baarlamaanka ee ka dagata sayidka ayaa la arkayay ciidamada oo dadweynaha u diidaya iney ku lugeeyaan.

Arintaan ayaa yaab iyo culees horleh ku noqoneysa shacabka magaalada Muqdisho oo muddo maalmo ah aanan gaadiid helin shirka IGAD dartii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com