Ciidamada ammaanka DF oo xalay rag hubeysan ku qabtay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley oo ku yaalla waddada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu soo qabtay afar nin oo hubeysan, kuwaas oo la sheegay inay dhac u geysanayeen dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka warbixiyey howl-galkaasi ayaa sheegay in ragga lasoo qabtay oo burcad ahaa ay ku hubeysnaayeen bistoolado, ayna wateen Bajaaj.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in raggan dhalinyarada lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay, kadib cabasho ay kasoo gudbiyeen dadka shacabka, haatana lagu haayo baris.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dareen in laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga, isla-markaana deg deg loo horgeyn doonto maxkamad.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka socday howl-gallo ballaaran oo ay wadeen ciidamada Booliska, kuwaas oo looga hortegayo falal liddi ku ah nabad-gelyada caasimada.

Dilalka, qaraxyada iyo dhaca ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku soo badanayey degmmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo sare u kacay todobaadyadii dambe.

Si kastaba, dhibaatooyinkan oo idil ayaa dhacaya xilli haatan lagu jiro marxalad doorasho, taas oo ay qayb ka noqdeen saraakiishii loogu tala-galay inay sugaan amniga dalka.