Daawo: Cabdi Xaashi oo sheegay ballan uu uga baxay madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ka hadlay go’aankii ka soo baxay xukuumadda Rooble ee la xiriiray ONLF iyo Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Farmaajo uu markii la dhiibayey Qalbi-Dhagax uga baxay ballan uu ka qaaday oo aheyd inaanu dhiibi doonin.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu aad ugu farxay go’aanka xukuumadda Rooble, kaas oo sida uu sheegay uu mudo dheer ku taamaayey, marar badana uu kula taliyey madaxdii hore.

Cabdi Xaashi ayaa aad ugu mahad celiyey Ra’iisul Wasaare Rooble iyo golihiisa wasiirrada, “Waxaad saxdeen dembi horay u dhacay oo dowladdii Farmaajo madaxda ka ahaa ay gashay, kaas oo ahaa in la dhiibo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo aan dalkiisa ka gelin wax dembi ah, ururka ONLF oo u dagaalama xorriyada Soomaalida dulman ee la heystana ku sifeysay urur argagixiso ah,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in go’aankii xilligaas ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Qalbi-Dhagax iyo ururka ONLF uu aad uga naxay, “Wixii tabarteyda ahaa waan ka geystay, waxaan soo jeediyey talooyin badan, laakiin cidina igama hoos qaadin,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cabdi Xaashi waxuu intaas ku sii daray in go’aankii shalay ka soo baxay xukuumadda uu farxad weyn geliyey, kaas oo meesha ka saaray gefkii ay geysatay dowladii Farmaajo, “Waa ku mahadsanyihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xukuumadiisa,” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Waxaa xusid mudan in maalmo ka hor Cabdi Xaashi uu ka mid ahaa xubno ka soo jeeda gobollada waqooyi oo si adag u eedeeyey Ra’iisul wasaare Rooble oo sida ay sheegeen ay doorasho isku hayaan, balse sida muuqata taasi kama hor istaagin Rooble iyo xukuumadiisa uu uga mahad celiyo go’aankii ay ku saxeen qaladkii laga Qalbi-Dhagax iyo ONLF.

Horay Guddoomiye Cabdi Xaashi waxuu u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka balan qaaday in Qalbi-Dhagax aan loo dhiibi doonin Itoobiya habeenkii ka horeeyey maalinkii la dhiibay, balse ay soo baxday in muwaadinkaas la dhiibay Cabdi Xaashi waxa  cuu sheegay in wixii maalinkaas ka dambeeyey uu aad u nacay Farmaajo.

Hoos ka daawo