Guudlaawe iyo Villa Somalia oo kala shakiyay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – HirShabeelle ayaa laga sugayaa inay jadwaleyso kuraastii ay dhawaan shaacisay ee Golaha Shacabka. Maamulkaan waxaa taalla 38 kursi oo Golaha Shacabka ah, 13 waxay taallaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka, halka 25 kursi ay taallo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Hirshabelle waxay dhawaan soo dhajisay 11 kamid ah Kuraasta taalla Magaalada Jowhar, balse maalmo ka hor cinwaan weyn ayaa ka yimid dhanka Magaalada Beledweyne, kadib markii General Abuukar Xuud uu heshiis la qaatay Villa Somalia.

Laakiin fasiraada taalla dhanka maamulka Cali Guudlaawe ma ahan inay heshiiyeen Xuud iyo Villa Somalia ee waa in markii horaba isku dhawaayeen.

Illo ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa ku waramay inay waqti dheer qabeen tuhun ah in Villa Somalia gacan xooggan ku leedahay qorshaha Xuud ee dhulka howdka ah ee magaalada Beledweyne, haddana ay iyaga ujeedo kale damacsan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo iyo la taliyihiisa Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxay heshiis ku ahaayeen in Cali Guudlaawe loo dhiibo hoggaanka maamulka Hirshabelle, balse dad badan ayaa aaminsan in Cali Guudlaawe uu noqon waayey ninkii ay filayeen, kadibna waxaa lagu eedeynayaa inay u abuureen dhowr jidgooyo.

Mid kamid ah jid gooyooyinkaas ay Villadu sida qarsoon ugu dhigtay Cali Guudlaawe waa General Abuukar Xuud ayey dadka badi leeyihiin.

Cali Guudlaawe waxaa la filayey inuu todobaadkii lasoo dhaafay tago Magaalada Beledweyne, laakiin dib ayuu u dhacay safarkiisa, kadib markii uu xoogeystay tuhunkii ahaa in General Xuud ay Villa Somalia ku heysay meesha.

Sababta ayaa illaa hadda si weyn loogu jahwareersan yahay, qof kamid ah xubnaha ku dhow Cali Guudlaawe wuxuu leeyahay “ Farmaajo iyo Fahad iyagoo awooda inay wax na weydiistaan oo maamulka u dirsadaan waxay labada gobol ka rabaan ayey na saareen culeys iyo inay kala qeybiyaan maamulka, si aan iyagu uun ugu xayirnaano mar walba.”

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxay tuhun badan ka muujiyeen sidii uu Cali Guudlaawe u maareeyey doorashadii Aqalka Sare, markaas oo kooxda madaxweynuhu ay aamintay in uusan Cali ugu adeegin si lamid ah sidey ula shaqeeyeen markii uu raadinayey kursiga.

Waxaa la sheegay inay aamineen in Cali Guudlaawe uusan sameyn doonin waxa gobollada qaar ka socda oo waxaa macquul ah inuu tartanka kuraasta Golaha Shacabka ka dhigo mid daah furan, taas oo sababi karta in dhaqaale badan uga baxo tartanka ama dad badan oo dhankooda ah kuraas soo waayaan.

Inay mar kale General Xuud ku celiyaan duurka magaalada Beledweyne ayaa si buuxda u kala dili karta Farmaajo iyo Cali Guudlaawe.

Kala shakiga Villa Somalia iyo Cali Guudlaawe waa xooggan yahay, waxaana arrinta sii xoojinaya sida uu Guudlaawe waayadaan ugu badnaa dhanka Ra’isul wasaare Rooble intii uu jiray khilaafka Farmaajo iyo Rooble.