Ciidamada dalka Jabuuti oo la wareegay xafiisyada maamulka gobolka Hiiraan

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegayo inay ciidamo ka tirsan  kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Dowladda Jabuuti ay soo farageliyeen xiisadda ka taagan Magaalada.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa la wareegay amaanka Xafiisyada Maamulka Gobolka Hiiraan oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyahii xilka laga qaaday Yuusuf axmed Hagar Dabageed kaasoo diiday inuu xilka wareejiyo.

Albaabka hore ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu arkayaa Ciidamada Jabuuti oo wata gaadiidka dagaalka.

Wali waxaa Magaalada Baledweyne ka jirta Xiisadii ka dhalatay xil ka qaadidii uu Madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyay Gudoomiyahii hore  gobolka hiiraan  Yuusuf Dabageed.

Shalay dagaal Khasaare geystay ayaa duleedka Magaalada Baledweyne ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Yuusuf Dabageed iyo Ciidanka Amaanka Hirshabeelle, waxaana magaalada ka taagan xiisad ka dhalatay Xilka qaadista Yuusuf Dabageed.

Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday xil ka qaadista, waxaana ciidamo taabacsan ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan  Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow, kaasoo lagu dilay iska hor imaad ka dhacay Kala Beyr.

Cali Guudlaawe ayaa ku amray Ciidamada Amniga inay gacanta ku soo dhigaa cidii ka dambeysay dilka Taliyaha, sharcigana la soo taago.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan inay ka qeyb qaataan howlaha nabadeynta iyo waxyaabaha ka hor imaanaya hanaanka dowliga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com