Waare oo si deg deg ah ugu laabtay Beledweyne

Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi waare ayaa si deg-deg ah dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Maxamed Cabdi waare ayaa Waxana Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro, xildhibaano iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali muxumed Caraale.

Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Waare ee magaalada Beledweyne oo uu dhowr maalmood ka hor safar dalka Kenya ah ugaga ambabaxay ayaa waxaa ku soo beegantay xilli magaalada Beledweyne ay ka socdeen banaanbax loogaga soo horjeedo maamulka Hirshabelle.

Dadka banaanbaxayay oo taageersan guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa ku gubayay wadada laamiga ah lugo baabuur.

Shalay dagaal Khasaare geystay ayaa duleedka Magaalada Baledweyne ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Yuusuf Dabageed iyo Ciidanka Amaanka Hirshabeelle.

Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday xil ka qaadista, waxaana ciidamo taabacsan ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan  Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow, kaasoo lagu dilay iska hor imaad ka dhacay Kala Beyr.

Cali Guudlaawe ayaa ku amray Ciidamada Amniga inay gacanta ku soo dhigaa cidii ka dambeysay dilka Taliyaha, sharcigana la soo taago.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com