Madaxweyne Farmaajo oo soo farageliyey xiisadda ka taagan Beledweyne

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi u saaray sababtii keentay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Mgalada Baladweyne,kaas oo ay ku dhinteen dad uu ka mid ahaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

Guddigaan ayaa waxa Gudoomiye loogu Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobe),waxaana qeyb ka ah Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidamada, iyada oo guddigaas ay baaris ku sameyn doonaan waxaa sababay dagaalkaas.

Guddigan ayaa baaritaan ku sameyn doona sababta ka dambeysay iska hor imaadka shalay ka dhacay duleedka Beledweyne, gaar ahaan deegaanka Kalabery.

Guddigan ayaa la filayaa inay kormeer ku tagaan magaalada Beledweyne, isla markaana baaritaan xaqiiq raadin ah ku sameynayaan dhacdadii uu ku geeriyooday Taliyaha Booliska Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddigaas oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga uu madaxda u yahay iyo Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ay  si dhab ah baaritaano ugu sameyn doonaan si loo xaqiijiyo waxyaabihii keenay dagaalka uu ku dhintay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

Xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, waxaana ciidamo taabacsan ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan gudaha iyo duleedka magaalada Beledweyne.

Sidoo kale Guddigaan ayaa waxaa lkoo xil saaray inay baaris ku soo sameeyaan is rasaaseyn dhawaan intii lagu guda jiray Bishii Ramadaan degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com