Kenya oo markii u horeysay shaacisay xaqiiqda tirada askartii looga dilay Ceelcade

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada Askartii uga dhimatay weerarkii Ceelcadde ee dhacay sanadkii 2016-kii.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca Kenya General Robert Kibochi, ayaa wareysi uu siiyay African Defence Forum ku sheegay in dagaalkii Ceel Cadde ay ku waayeen 200 Askari.

Weerarkii Ceel Cadde ayaa noqday guul darradii ugu weynayd ee dhinaca Militariga ee ay Kenya la kulanto, waxaana dhowr jeer saraakiisha difaaca Kenya sheegeen in weerarkaasi ahaa cashar ay qibrado dhinaca dagaalka ah ka qaateen.

Waxa uu sheegay in dagaalkaas iyo weerarro kale oo ka dhacay gudaha Soomaaliya  ay ku waayeen Askar badan kuwaas oo ku jira diiwaanka Wasaaradda difaaca Kenya.

General Robert Kibochi, ayaa wareysigiisa ku sheegay in Ciidanka Kenya ee ka dagaallamaya Soomaaliya ku socdaan waaya aragnimo dheeraad ah oo ay ka heleen dagaalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in ka bixitaanka Ciidanka Kenya ee Soomaaliya ay ku xiran tahay xilliga ay Ciidamada Amisom ka baxayaan Soomaaliya.

Si guud waxaa uu Jeneraal Kibochi sheegay in Ciidanka Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Amisom khasaaraha Amisom la kulantana ay dhinacooda ka qabaan.

Waxaa uu ku taliyay in Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya la tababaro qalab casri ahna la siiyo si ay ugu guuleystaan in ay Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom kala wareegaan amniga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com