Xuutiyiinta oo gantaal culus ku dhuftay Sacuudiga iyo khasaare ka dhashay

Abha (Caasimadda Online) – Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga xaqiijiyeen inay 26 qof ku dhaawacmeen Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta la beegsadeen Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Gobalka Casir ee K/galbeed ee dalkaasi.

Ganatalkaas ayaa Sacuudiga waxaa uu sheegay inay ku dhaawacmeen 26 ruux oo u badnaa Rakaab u dhashay dalal kala duwan,kuwaas oo xilliga Garoonka la weeraray sugayay inay ka dhoofaan.

Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu sacuudiga hoggaamiyo oo dagaalka ka wada dalka Yaman ayaa sheegay in dadka khasaaraha kasoo gaaray Gantaalka ay ku sugnaayeen Halka Diyaaradaha laga raaco ee garoonka,isla markaana dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalada dalkaas.

Dhinaca kale, Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Afka Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxa uu saacadihii hore ee saaka baahiyey inay Gantaal noociisa ahaa Cruise missile la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalladda Abha ee Sacuudiga.

Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan Gudaha dalka Sacuudiga,hayeeshee weerarkaan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa weerarada ay Xuutiyiinta ka geysteen dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa maalmihii dambe ku doodayey inuu Sacuudiga hub ka iibin doono si ay isaga celiyaan Xuutiyiinta Yeman, waxaana arrintaas ka dhalatay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Congress-ka Mareykanka iyo Trump.

Xuutiyiinta Yeman ayaa horey u ballan qaaday inay Sacuudiga dalkeeda ka dareemi doonto dhibaatada ku heyso Yeman isla markaasna ay ka dagaalami doonaan gudaha Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com