Danab oo howl-gal ku dilay Cabdullahi Dhaga Cadde

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomalaiya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gal ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howl-galkaasi lagu khaarijiyey sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Cismaan Dhaga Cadde.

Qoraalka ka soo baxay dowlada dhexe ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dhaga Cadde uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka warbaahinta.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga ayaa dhankooda shaaciyey inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada iyo howl-gallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba ciidamada huwanta ayaa bilihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada iyo dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya.