24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Kooxo hubeysan oo dilal ka geystay magaalada Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolkada Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay in kooxo hubeysan ay dilal ka geysteen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Ragga geystay falkaasi oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa toogasho u geystay 2 ruux oo la sheegay inay shacab ahaayeen, kuwaas oo ku sugnaa isgoyska Soomaali Istaar oo ku yaalla xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose.

Toogashada kadib ayaa lagu soo warramayaa in ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Jubbaland oo howl-gallo ka sameeyey halkaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda faah faahin ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii xaafadda Calanley lagu dilay ganacsade Cabdullahi Cabdisalaan Shigshigow oo ahaa maamullada shirkadda Amal ee Kismaayo.

Dhacdooyinkan ayaana qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaaladaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60