Dab ka kacay xaafad ka tirsan Xamar + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dab ayaa ka kacay guri ku yaala dhabarka dambe guriga hooyooyinka, waxaana ka dhashay khasaaro hantiyeed sida ay sheegeen dadka deegaanka oo warbaahinta u warramay.

Dadka deegaanka waxey sheegeen in dabka uu ka dhashay korontada, wuxuuna baabi’iyay guriga uu ka bilowday isagoo gaaray guryo kale ku faafay, balse lagama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay.

Saacado ayey qaadatay in dabka la damiyo iyadoo ay suuragali weysay iney gaadiidka dab damiska galaan sabab la xiriirta xaafadda oo ah mid isku raran ah, balse ugu dambeyntii waa lagu guuleystay in lasoo afjaro dabkii kacay.

Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho waa kuwa isku raran ah oo aan la awoodi karin iney gaadiidka dab-damiska galaan, sidaas darteed dadka deegaanka waxey baaq u direen maamulka gobolka Banaadir iyagoo ugu baaqay iney la yimaadaan qorshe kale oo dadka lagu badbaadin karo.

Sidoo kale dadka deegaanka waxey fariin u direen maamulka gobolka Banaadir, maadaama aan dhaqso lagu helin gawaarida dab-gamiska, sidaas darteed waxey codsadeen in la sameeyo goobo cayiman oo loogu hagaagi karo.