Ciidamada DF iyo kuwa GALMUDUG oo Al-Shabaab kala wareegay Shabeeloow

Shabeeloow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanada hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ururka Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay ay burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka .

Deegaanka Shabeeloow oo dhaca koonfurta gobalak Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhafay ku sugna xubno ka tirsan ururka al-shabaab.

Ciidamada Galmudug, kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo dadka deegaanka ah ayaa dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab oo maleeshiyo badan kusoo daabushay deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan Mudug, waxaana Al-Shabaab laga saaray dhowr degmo kadib dagaal qaatay muddo bil ah.

Ciidamada huwanta oo garab ka helayo diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Mareykanka ayaa qorsheenayo inay gaaraan Magaalada Xarardheere oo ah saldhigga ugu weyn ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada Galmudug.

Safka hore ee dagaalka ayaa waxaa ku jiro Taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda Soomaaliya, General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo General Saadaq Joon, waxaana muuqato in Al-Shabaab looga adkaaday dagaalkii Gobolka Mudug.