Ciidamada DF oo joojiyey kulan uu xisbiga Xasan Sheekh qaban lahaa

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Senator Xuseen Sheekh oo ka tirsan Xisbigaas islamarkaana hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la hakiyay Siminaarka ka dib Amar kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.

“Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sanetarka.

Waxaa uu Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud in Maamulka Konofur Galbeed isaga oo qiimeynaya xaalado jira uu ka dalbaday in la baajiyo sidaasna lagu joojiyay kulankii ay galabta lahaayeen Xisbiga UPD ee ka dhici lahaa Baydhaba.

Sidaan oo kale todobaadkii hore waxaa laga joojiyay Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xilli uu siminaar ka waday Hoteel ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com