Ciidamada DF oo laga yaaban yahay

Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah Shacabka iyo waxgaradka ku dhaqan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxay Cabasho ka muujiyeen Rag ay sheegeen inay ku labisan yihiin dareeska Ciidamada dowlada Soomaaliya Kuwaas oo Dhibaatooyin ku haya Sida ay tilmaameen.
Dadka deegaanku waxay sheegeen in Xilliyada Habeenkii Rag Labisan Dareeska Ciidamada dowlada Soomaaliya inay kula dhaqaaqaan Dhac iyo Sidoo kale Handadaad Sida ay shaaciyeen .
Xilliyada qaar ayay sheegeen inXitaa Maalintii aysan waxba Dhaamin Habeenki oo dhac iyo baarashaba lagula dhaqaaqo , waxaana ay sheegen inay codsanayaan wax ka qabashada arintan,oo ay sheegen in Maamulka Degmadaas uu ka gaabiyay
Macalin Cabdi, wuxuu ka mid yahay waxgaradka Degmada Kaaraan Wuxuu Tilmaamay in  rag ku labisan dareeska ciidamada Milateriga iyo kuwa Booliska ay baarasho iyo dhacba ku hayaan shacabka ku dhaqan Degmada, isagoona xusay in maamulka Degmada dhowr jeer ay cabashadooda u gudbiyeen hayeeshee uusan waxba ka qaban.
Macalinka,  ayaa ugu baaqay Wasaarada Arimaha gudaha ee Xukuumadda inay wax ka qabato cabashadooda, isagoo sheegay in guud ahaan laamaha Amniga dowlada ay ka dalbanayaan wax kaqabashada arintan.Maamulka Degmada Kaaraan wali kama uusan ahdlin arintan, Hayeeshee Cabasha Nuucaani ah ayaa ah mid kusoo Noq noqtay Degmadaas.
Dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in Askarigii lagu arkaa isagoo qof shacab ah hantiodiisa Baaranaya ama lagu soo cadeeyo inuu dhac u geystay ay tilaabo sharci ah ka qaadi doonto.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay Jiraan rag aan ka tirsaneynAskarta dowlada hayeeshee Dharka ciidamada dowlada wax ku dhaca , balse ay ku raad joogaan .
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com