Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow weerar ku qaaday xarunta Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho.
Idaacadda oo hawada ku jirtay xilligii la weerarrayay ayaa waxaa laga maqlayay weerar dhexmarayay shaqaalaha Idaacadda iyo ciidamada nabad sugida.
Waxaa ilaa hadda gudaha Idaacadda ku jira ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo qabqabtay dhammaan shaqaalaha ku jiray Idaacadda isla markaana xiray.
Sidoo kale waxaa hawada laga saaray dhammaan Idaacadaha Shabeelle iyo SKY oo labaduba uu iska lee yahay hal mulkiile.
Dhawaanhan, waxaa khilaaf uu ka dhex jiray Idaacadda Shabeelle iyo wasaaradda arrimaha gudha Soomaaliya, kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka uu warqad u geeyay dhawaan Idaacadda taasoo lagu amaray in muddo shan cisho ay uga guuraan dhismaha ay deggan yihiin oo ay lee dahay wasaaradda gaadidka iyo cirka.
Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo goobta tagay ayaa sheegay in dhammaan shaqaalihi Idaacadda in lagu daad gureeyay baabuur nooca shabqlaha, waxaana loo qaaday xarunta CID-da.
Halkaan ka dhageyso sida ay wax u dheceen
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online