Ciidamada Ethiopia oo gudaha u galay Jabuuti iyo xiisad ka taagan dalkaas

Jabuut (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Ethiopia ayaa ka gudbay xuduudda, islamarkaana gudaha u galay dalka Jabuuti saddexdii bishan, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan dalkaas ay u sheegeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan uu u yeertay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, xilli xiisad ay ka taagan tahay gudaha dalkaas.

Isaga oo ka cabsi qaba halis xasilooni darro oo ay abuuraan maleeshiyada jabhadda FRUD (Front pour la Restauration de l’Unité et de la Démocratie ), ayaa madaxweyne Geelle waxa uu gacan weydiistay ciidamada Ethiopia, sida ay sheegen xildhibaano magacooda qariyey oo Jabuutiyaan ah, kuwaasi oo la hadlay Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo ka buuxa sided baabuur oo kuwa waa weyn ee ciidanka ah ay habeenkii jimcaha ka gudbeen dhinaca xuduudda ee buurta Alayto-le-Boyna.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka jirta cabsi xooggan oo laga qabo in maleeshiyada jabhadda FRUD ay dagaal billaabi rabaan, kadib markii ay guul-darreysteen dadaallo la doonayo in dib loogu celiyo, waxaana ciidamada Ethiopia la sheegay inay gacan siin doonaan kuwa Jabuuti.

Kooxda FRUD ayaa ah dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo la aas-aasay bishii August ee sanaddii 1991-kii, waxayna ka abuurantay laba urur oo midoobay oo kala ahaa Union nationale pour l’indépendance (UNI) iyo Mouvement populaire de libération (MPL).

Inkasta oo kooxdan badankeed ay heshiis qaateeen sanaddii 2001, haddana wxaaa diiday qaar ka mid ah oo weli ah mucaarad hubeysan.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
caasimada@live.com