Ciidamada kasoo horjeeda muddo kororsiga oo oo la wareegay isgoysyo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa weli aad u kacsan, gaar ahaan qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Shibis, iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Ciidamo milatari ah oo ka gadoodsan muddo kororsiga loo sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gabi ahaan la wareegay isgoysyada Fagax, Sanca iyo Beyxaani.

Ciidamadaan ayaa lagu arkayaa dhammaan isgoysyadaan iyagoo ku hubeysan gaadiidka Dagaalka iyo Hubka noocyadiisa kala duwan.

Isgoysyada ay la wareegeyn ciidamadaan ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo gebi ahaanba faarujiyey kadib markii ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqyada ay sameenayaan Ciidamada gadoodsan ee ka tirsan Militariga.

Saraakiil kan tirsan Ciidamada Dowladda oo ku sugan furumaha dagaalka ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey in inta badan ciidamadii halkaaa ku sugnaa ay soo aadeen Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka dhinac degmada Kaaraan iyo duleedka ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin ciidamo kale oo uu hoggaaminayo Col. Saney Cabdulle Gaab, kuwaas oo iyana watay tobaneeyo baabuur oo nooca dagaaalka iyo ciidamo aad u fara badan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan gadoodsan ayaa isugu yeeray lana filayaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, si ay shaaciyey u jeedka dhaq-dhaqaaqooda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo arrintaan ka war heshay ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada, kuwaas oo la dhigay ciidamo dheeraad ah inkastoo markii dambe la furay dhammaan jidadkii la xiray kadib markii lagu guuldareystay in la xakameeyo ciidamada gadoodsan.

Si kastaba xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo Muqdisho ayaa kusoo aadeysa, xilli siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda dhexe ay isku khilaafeen arrinta muddo kordhinta, kadib markii golaha shacabka uu meel-mariyey qaraar doorasho oo qaadanyo laba sano