Ciidamada Kenya oo dilay kadibna gubay 8 qof oo Soomaali ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo Kenyan ah ay dileen dad shacab ahaa oo gaari la socday, kadibna ay gubeen.

Tirada dadka ciidanka Kenya ay tacadiga u geysteen waxa ay ahaayeen 8-ruux kuwaas oo ku safrayay meel 10KM u jirta Deegaanka Raaskaambooni.

Ciidamada oo socday waxaa kahor tagay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka, iyaga oo rasaas ku furay, kadibna gubay dadkii dhintay.

Xildhibaan Jeesow waxa uu sheegay in ciidanka Kenya ay caadeysteen dhibaatooyinka ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee kunool deegaanada ay ku sugan yihiin ama ku safraan.

“Waxa ay ahaayeen dad shacab ah oo gaari saarnaa, ciidamada Kenya waxa ay u dileen si arxan darro ah, kadib wey gubeen, waana arrin bani aadamnimada ka baxsan” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xidhibaanka ayaa soo jeediyay in ciidanka Kenya laga saaro Dalka, maadaama ay kordheen tacadiyada ay u geysanayaan dadka shacabka ee kunool deegaanada Jubbaland.

Golaha shacabka oo uu katirsan yahay ayuu sheegay in ay ka doodeen, balse aan jirin wax iska badalay soo jeedintii Xukuumadda ee ku aadaneed in Kenya lagala xisaabtamo shacabka ay waxyeeleeyaan.

Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer burburiyay anteenooyin ay leeyihiin shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, sidoo kale duqeyn ay ka geysteen deegaanno dhaca Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxa ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah iyo xoolo ay dhaqanayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com