Faah-faahin ku saabsan qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo Jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,isla markaana waxaa uu ku qarxay Albaabka hore ee Afrik oo ku yaalla Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sidoo kale Hotelka Afrik ayaa waxaa uu ku dhow yahay Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Aadan Cadde, iyadoona amniga halkaas siweyn loo sugo,waxaana goobta ku yaalla hotelo ay degan yihiin dad badan.

Waxaa socda Gurmad loo sameeynayo dadkii halkaasi ku waxyeeloobay,waxaan uu dab xoogan qabsaday Kaalin shidaal oo ku taalla meel ku dhow Aargada Isgoyska KM4.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in xiliga uu qaraxa dhacayay wadada ay aheyd mid aad u Mashquul ah oo dadka iyo gaadiidka noocaydiisa kala duwan ay is dhaafayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halkaas,isla markaana waxaa ay ay xireen Aaga uu qaraxa ka dhacay,waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Weli lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com