Ciidamada Kenya oo xalay Nairobi ku xiray aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada sirdoonka dalka Kenya ayaa xalay xiray aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Dr. Bursaliid ay xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxeen ciidamada sirdoonka dalka Kenya, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ehelladiisa.

Ehellada ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay ciidamo isugu jira kuwa dharcad ah iyo kuwa hubeysan ay yimaadeen guriga uu ka degan yahay magaalada kadibna halkaas ka wateen, ayaga oo aan sheegin wax sabab ah oo ay u xireen.

Illaa hadda lama yaqaan halka lagu hayo Bursaliid, waxaana ehelladiisa ay sheegeen inay isku dayayaan inay ogaadaan. Ciidamada xiray ayaa la sheegayaa inay qeyb ka yihiin kuwa la-dagaalanka argagixisada ee dalka Kenya.

Dr. Bursaliid ayaa caan ku ahaa inuu fallanqeyn jiray siyaasadda gobolka iyo Soomaalida, isaga oo caan ka ahaa warbaahinta Soomaalida. Waxa uu sidoo kale macallin ka ahaan jiray jaamacadda Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay dhowaan diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaali ah oo dalkeeda ay ka mamnuucday. Lama oga in xarigan uu taas qeyb ka yahay iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com