Ciidamada NISA oo galabta garoonka Aadan Cadde ka xiray Cabdalla Axmed Muumin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xiray Cabdalla Axmed Muumin oo ah xoghayaha ururka suxufiyiinta ee Somali Journalists Syndicate (SJS). 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Cabdalla ay garoonka Aadan Cadde ku xireen ciidamada NISA, kuwaas oo ka watay garoonka lana aaday meel aan la aqoon.

Ma cadda sababta loo xiray Cabdalla, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay NISA, hase yeeshee xariga ayaa yimid saacado kadib markii SJS ay facebook soo dhigtay qoraal ay ku sheegeen in ciidanka NISA ay shalay weerar ku qaadeen xarunta SJS ee Muqdisho.

“Shalay abaare 6:29 pm ayaa koox hubeysan oo ka tirsan NISA oo uu horkacayay Taliyaha Saldhiga degmada Hawlwadaag “Shakiib” ayaa weeraray xafiisyada SJS. Inkasta oo shaqaalaheena ay ka maqnaayeen xafiiska, saraakiisha, oo laba ka mid ah ay wejiyada soo duubteen ayaa u hanjabay deriska si ay ugu qasbaan inay furaan albaabkeena amniga,” ayaa lagu yiri qoraal galabta kasoo baxay SJS. 

Ururka ayaa sidoo kale baraha bulshada ku baahiyey muuqaallo muujinaya saraakiil ay sheegeen inay ka tirsan yihiin NISA oo isku dayaya inay xoog ku furaan xafiiska balse ku guuldarreystay.

Caasimada Online ma xaqiijin karta sax ahaanshaha muuqaalka iyo haddii ciidanka weeraray xafiiska ay ka tirsan yihiin NISA.

Dhacdooyinkan ayaa yimid ayada oo shalay Cabdalla Axmed Muumin iyo madaxda kale ee ururada suxufiyiinta ay Muqdisho ku qabteen shir jaraa’id oo ay ugu baaqayaan dowladda federaalka inay ixtiraamto xoriyadda hadalka. 

Waxay ka jawaabayeen go’aan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta oo warbaahinta loogu sheegay inaan la baahin karin wararka kooxda Al-Shabaab.

SJS ayaa cambaareysay weerarka lagu qaaday xafiisyadeeda, waxayna ugu baaqeen dowladda federaalka inay baaritaan ku sameyso weerarka iyo saraakiisha ku lugta leh.