Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya oo taliye cusub loo soo magacaabay

Kampala (Caasimadda Online) – Madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri Museveni ayaa taliye cusub u magacaabay ciidamadiisa ka jooga Soomaaliya kana mid ah hawlgalka midowga africa ee AMISOM.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa warisay in wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dalka Uganda lagu magacaabay Don William Nabasa inuu yahay hogaamiyaha ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya.

Taliyahaan waa gaashaanle sare, wuxuuna mar soo noqday taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee wadankiisa, sida ay xustay warbaahinta sanadkii 2017 ayuu xilkaas kala wareegay Muhoozi Kainerugaba.

Askar gaareysa 6,000 (Lix kun) ayaa Uganda ka jooga Soomaaliya, kuwas oo qeyb lixaad leh ka geysta hawlgalka nabad ilaalinta midowga africa oo in ka badan 10-sano laga fulinayo gudaha Soomaaliya.

Magacaabistaan waxey kusoo aaday xilli horaanta 2021 laga yaabo in ciidamada AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in muddo kordhin loo sameyn karo.