Somaliland oo war kasoo saartay xaaladda cakiran

Hargeysa (Caasimad Online) – Xukuumada Somaliland ayaa war lama filaan ah kasoo saartay xaaladda cakiran ee warbaahinta Somaliland oo mareysa meeshii u xumeyd, iyadoona si cad u diiday baaq culus oo dhawaan loo soo jeediyay.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa sheegay in xiligan aysan suurto-gal aheyn in xayiraadii la saaray laga qaado Tv-yada Universal iyo Star, isla markaana dib loo siiyo ruqsadii ay ku howl-gali jireen.

Wasiirka ayaa sheegay in telefishanadaasi ay ku xad-gudbeen madax banaanida Somaliland, sidaasi darteedna aysan waqti dhow qorsheynayn in dib loo siiyo liisamadii ay kaga howl gali jireen deegaanadeeda.

“Star Tv iyo Universal waxaanu u garanay in aanay ahayn Dantii Ummadda reer Somaliland ee geeddi socodka ka qayb-geli lahayd, qaarkoodna ay boqonta dambe heerayaan oo ay hayaan, sharciga ayaana noo dhexeeya. Illaa haddana Cid ay Maskaxdayada ku jirto inaanu soo celino ma jirto” ayuu yiri Wasiir Koore.

Wuxuuna intaas kusii daray “Qof kasta oo Muwaadin ah oo Xirfaddan (Saxaafadda) ku shaqaysta iyo qof kasta oo aan Muwaadin ahayn oo sharcigu siiyey ogolaansho ah inuu ku shaqaysto, waa inuu dhowraa Dastuurka iyo Madax-banaanida”.

“Sidoo kalena waa inuu dhowraa wada lahaanshaha iyo wada-joogga waddanka, hadduu intaa dhowri waayo Ummaddii Liisanka siisay way kala noqonaysaa”.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili ay baaq culus u direen warbaahinta Somaliland, oo ka dalbanayey xukuumada Muuse Biixi in dib loo fasaxo telefishanadaasi ay xirtay, kuwaasi oo ay kala noqotay ruqsadii ay ku howl-gali jireen.