Waare oo xilal muhiim ah u magacaabay xildhibaano

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii ka qaaday labo ka mid ah golihiisa wasiirada, isagoona u magacaabay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi.

Waare ayaa xilka ka qaaday wasiirkii Biyaha iyo Tamarta Hirshabelle Saalax Maxamed Xasan, isaga oona u magacaabay Xildhibaan Shuceyb Cabdikariin Muumin,

Sidoo kale wuxuu xilka qaadis ku sameeyey wasiiru dowlihii wasaaradda Beeraha iyo Waraabka HirShabelle, iyadoona lagu bedlay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa sidoo kale lagu faray laamaha amniga iyo cid walba oo ay quseyso inay la shaqeyso mas’uuliyiintaasi.

Ujeedka arrintaan ayaa waxaa dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ku sheegayaan in  Madaxweynaha maamulka HirShabelle uu doonayo inuu saameyn badan ku dhex yeesho xubnaha baarlamaanka, isaga oo horey xildhibaano kale ugu daray golihiisa wasiirada.

HirShabelle oo wajaheysa caqabadoo badan oo is-biirsaday ayaa dhowaan galeyso is-bedal dhanka hoggaanka ah, iyadoo haatan gaba-gabo uu yahay muddo xileedka Waare oo noqday Madaxweynihii 2aad ee HirShabelle, tan iyo markii la dhisay maamulkaasi.