Sawirro: Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaraaha oo xariga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay.

Ujeedada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga qaranka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tillaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga dalka.

Dr. C/laahi C/raxmaan Maxamuud oo ah xeeldheere ku takhasusay culuumta amniga, shahaadada sare ee PhD ku diyaariyay Istiraatiijiyada Amniga Qaranka Soomaaliyeed, waqti dheerna ka soo shaqeeyay howlaha Amniga Qaranka iyo tayeyntooda ayaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Machadka.

Dowladda ayaa dadaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga dalka, waxaana guul weyn laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga dalka, arrintaas oo sahashay in deegaanna badan oo argagaxisadu ay dadka ku dhibaateyn jirtay dib loogu soo celiyay gacanta dowladda, ayna noloshii caadiga aheyd dib uga billaabatay.