Sawirro: Siciid Deni oo weerar ku qaaday dowladda dhexe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeedinayey sanad guurada aas-aaska maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda dhexe maalmihii u dambeeyey ay la soo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii Dowladda Federaalka waqti fiican oo badan ayaa la geliyay, balse ayaantaan waxa ay lasoo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto, kala dambeynta iyo horumarku waxa uu ka dhashaa dhowrista Dastuurka Dalka.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda dowladda federaalka looga baahan yahay inay ilaaliyaan Dastuurka dalka oo uu shaaciyey in isaga oo kaliya heshiis lagu yahay.

“Adeegga Dowladda Federaalka waa mid ku qoran dastuurka, muddo ayay leedahay dowlad waliba, waa in aan dhan looga tallaabin heshiiskaas oo waa kan awoodda u siinaya shaqada Dowladda sidoo kalena xakameynaya oo waa xeendaab aan laga gudbi karin” ayuu markale yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni.

Ugu dambeyn wuxuu ka soo horjeestay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka oo dhowaan ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada, isaga oo sharci darro ku tilmaamay.

“Waxa aan indhaha laga qabsan karin ku tumashada dastuurka dalka oo ay ku dhaqaaqayaan Wasiirada KMG ah ee xilka sii haya, maalmihii u dambeeyay waxaa socday Xad-gudubyo Dastuur” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Puntland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey dhaleeceyn xoogan ay la kulmeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii la riday Khayre.