DALKII ugu horreeyey oo Carbeed oo yeeshay warshad NUKLIYEERKA soo saarta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa howlgeliyey warshaddi ugu horreysay ee Niyuukilar oo uu yeesho dal Carab ah oo ku yaalla Gacanka Carbeed.

Tayeynta quwadda Nukliyeerka oo afar qaybood ka kooban qaybti ugu horreysay waxaa laga billaabay warshadda Barakah, iyada oo la adeegsanayo teknooloojiyad uu sameeyey dalka Kuuriyada Koonfureed.

Warashadda ayaa la filayey in si rasmi ay howlaheeda u billaawdo 2017-kii balse waxaa marar badan ku yimid dib u dhac la xidhiidhiyey ammaanka warshadda.

Dalka Iisu-tagga Imaaraadka Carabta oo saliidda hodanka ku ah waxay dooneysaa warshaddan iney seddex meelood meel baahida dhinaca tamarta uu dalkaasi u baahan yahay iney daboosho.

Laba toddobaad ka horna Iisu-tagga Imaaraadka Carabta waxay hawada sare u direen dayax-gameedkiisa heerkiisu sarreeyo oo loo adeegsanayo cilmibaadhista, taasoo dalkaasi ka dhigtay dalkii ugu horreyey oo ka atirsan Khaliijka oo tallaabbadaasi qaado.

Iisu-tagga Imaaraadka miisaaniyadda ugu badan ee tamarta wixi hadda ka horeeyey wuxuu ku bixin jiray tamarta laga helo qorraxda.

Khubarada Tamarta qaarkood waxay su’aal gelinayaan suurtagalnimada warshaddaasi looga magacdaray ‘Barakah’. Maadaamaa tamarta laga helo qorraxda uu yahay mid nadiif ah, oo raqiiqs ah oo macno badan u sameeynaya gobol ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo kuwo argagixiso.

Sanadki hore warshadda ‘Barakah’ ee Nukliyeerka waxay Qadar ku tilmaantay “Khatar muuqata oo ku soo fool leh nabadda iyo deegaanka gobolka.”

Dalka Qadar waxay xiisad siyaasadeed oo aad u xooggan kala dhaxeysaa Iisu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya.

Gobolka Khaliijka waxaa sida oo kale ku yaalla dalka Iiraan oo ay xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso Iisu-tagga Imaaraadka Carabta, oo cunaqabateyno kala duwan uu saaray Mareykanka sababa la xidhidho barnaamijkeeda Nukliyeerka uu muranka badan hareeyey.

Dr Paul Dorfman oo ah madaxa koox caalami ah oo latalinta dhinaca hubka Nukliyeerka u qaabilsan wuxuu sanadkii hore qoray “Nukliyeerka wuxuu sii hurinayaa xiisadda ka dhex taagan waddamada Khaliijka, maadaamaa warshadda quwad Nukliyeer oo la sameysto ay horseedi karto awood dalka warshaddaasi leh uu ku sameysto hubka Nukliyeerka.”

Saaynisyahan kale oo uu fadhigiisu yahay London wuxuu isna falanqeyntiisa uu shaki kaga muujiyey amniga warshadda Nukliyeerka ee Barakah, isaga oo cabsi ka muujiyey khatarta shucaaca ay warshaddaasi ku sii deyn karto Khaliijka.

‘Guul muhiim ah’

Madaxda Iisu-tagga Imaaraadka Carabta waxay maanta oo Sabti ah ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen guusha furitaanka warshadda, taasooy u sheegeen guul dhinaca Saayniska uu dalkaasi gaaray.

Waxaana warshaddan laga dhalinayaa Tamar dhan 1400 oo Megawatt oo cadaadiska tamarta biyaha ka dhalanayo, oo ay naqshadeysay Kuuriyada Koonfureed loona yaqaanno APR-1400.

Wakaaladda u xilsaaran Quwadda Tamarta caalamiga (IAEA) oo u xilsaaran kormeerka warshada Nukliyeerka ayaa warshadda Barakah barteeda Twitter-ka ku bogaadisay iyada oo sheegtay iney qaybta koowaad ee warshadda in si buuxda loogu guuleystay, ammaanka warshadduna kormeer lagu sameeyey ayna wanaagsan tahay.

“Waa guul muhiim ah oo laga gaaray dhanka ganacsiga iyo soo saarista tamar nadiif ah. IAEA waxay taageereysaa Iisu-tagga Imaaraadka Carabta ee ku guuleystay warshaddi ugu horreysay barnaamijkeeda quwadda Nukliyeerka.”

Madaxa Abu Dhabi, Boqor Amiir Mohammed bin Zayed al-Nahyan oo farriin hambalya ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu sheegay ‘Guushan muhiimka ah ee la gaaray iney aasaas u tahay waddada loo maro horumar waara”.

Xigasho: BBC Somali