Ciidamada wasiir Janan oo loogu baaqay inay isku dhiibaan DF Soomaaliya

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, ahna madaxa siyaasada ee gobolkaasi Mudane Cismaan Nuux Xaaji Macalimu oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay ciidamada u hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan inay isku soo dhibaan kuwa dowladda ee ku sugan Beledxaawo.

Macalimu ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay dib ugu soo noqon karaan deegaanka, haddii aysan wax dhibaato ah wadin, islamarkaana ay dhigayaan hubka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo dhoweyn doonaan, haddii ay ku soo biiraan ciidamada Xoogga ee dagaalka uga saaray magaaladaasi.

”Askari Qaran haddii aad tahay Xoogga dalka ahaaw, Boolis ahaaw.” ayuu yiri Cismaan Nuux Xaaji Macalimu.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aysan wax dan ugu jirin xaaladda ay ku sugan yihiin, ciidamada wasiir Janaan, wuxuuna ugu baaqay inay dhistaan mustaqbalkooda dambe.

”Fadlan yaanan la’idin marin habaabin Mustaqbal ayaad leedihiin niman dhaliyaro ah oo Soomaali ah ayaad tihiin walaalaheena tihiin deegaankan aad idinku filan.’’ ayuu sii raaciyey.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa Beledxaawo la wareegay labadii bishii March ee sanadkan, kadib dagaal ay la galeen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, tan iyo markaasi labada ciidan ayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka waday duleedka degmadaasi.