Gudoomiye Cumar Filish oo eedeyn u jeediyay Qoor-Qoor, Waare iyo Lafta-gareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyey shirkii uu dhawaan uga qeyb-galay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in isaga iyo Farmaajo uu qorshahooda ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse ay taasi si weyn uga soo hor-jeesten madaxda maamuladii ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb-3.

Filish ayaa madaxda maamul goboleedyada shirkaasi ku sugnaa ee Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ku eedeyay inay sameyn waayeen tanaasul, maadama madaxdii dowladda federaalka iyo midka gobolku ay waqti badan isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan qorshahaaasi.

Wuxuu xusay in isaga iyo Farmaajo ay markii dambe sameeyen tanaasul, taasi oo keentay in shirkaasi ay kasoo baxaan go’aamo u muuqday in dalka ka dhaceyso doorasho dad-ban.

“Madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir wuxuu qorshahoodu ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, inkastoo ay kasoo horjeesteen madaxdii Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed” ayuu yiri.

Go’aamadii kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3 ayaa laga fahmi karayey in isbedel weyn uu ku yimid qorshihii Villa Somalia, wallow ay gebi ahaanba qaadaceen madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Waxaana dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo shirweyne Wada-tashi, kaasi oo meesha ka saari kara gebi ahaanba go’aamadii kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3.