Golaha Ammaanka oo soo saaray qaraar ku saabsan Soomaaliya fariiina u diray DF iyo dowlad goboleedyada

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyey qaraarka 2540 (2020), kaasi oo muddo sanad ah ku kurdhiyey muddo xileedka xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, kaasi oo lagu aas-aasay qaraarkii 2158 (2014).

Isla qaraarkan ayaa Golaha Ammaanka waxa uu ku sheegay inuu soo dhoweynayo kulamadii dhowaanahan dhex-marayey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowldaha xubnaha ka ah, waxaana uu adkeeyey inay muhiim tahay wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta.

“Wuxuu [golaha] xusayaa mas’uuliyadda dhammaan dhinacyadan ka saaraan horumarinta wada-shaqeyntooda iyo wada-hadalladii ay dowladda federaalka hoggaamineysay ee Dhuusamareeb, wuxuuna hoosta ka xariiqayaa muhiimadda wada-shaqeynta iyo heshiis laga gaaro arrimaha muhiimka u ah qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Arrimahaas waxaa ka mid ah fulinta Qorshaha Amniga Qaranka, heshiis ka gaarista nidaamka cadaaladda federaalka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka, dib u eegista dastuurka, iyo qorsheynta iyo qabashada doorashooyinka qaranka.”

Golaha Ammaanka ayaa mar kale ku celiyey inay muhiim tahay siyaasad loo dhan yahay iyo doorashooyin dimoqraadi ah oo Soomaaliya laga qabto, si ay taasi u xaqiijiso amniga iyo xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya.

“Dowladda federaalka ah ayaa leh mas’uuliyadda koowaad ee ah ka dhabeynta waxyaabaha ay Soomaaliya hiigsaneyso, ayada oo si dhow ula shaqeyneysa dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri qaraarka.

Golaha Ammaanka ayaa ugu dambeyn sheegay inuu dib u eegis joogto ah ku hayn doono xaaladda Soomaaliya, islamarkaana uu isbeddel ku sameyn karo qaar ka mid ah qodobada ku jira qaraarkan iyo qaraaradii hore, haddii loo baahdo.