Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyey qaraxyo culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan inta u dhexeysa Awdheegle & Bariire ee gobolkaasi.

Howl-galladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, iyaga oo fashiliyey weerar ay qorsheynayeen Xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale howl-gallada oo ka dhacay tuulooyinka Balow iyo Nuunaay ayaa waxaa lagu fashiliyey qaraxyo miino, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada Xoogga dalka.

“Howlgal amni xaqiijin ah ayey sameeyeen ciidamada gaarka u tababaran Xoogga Dalka ee Gorgor waxa ay soosaaeen 4-Miino oo loogu aasay inta u dhaxeysa Awdheegle iyo Bariire, si gaar ahaan Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay,”  ayaa lagu yiri war kasoo baxay milatariga.

Saraakiisha horkaceysa howl-galladaasi ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan Shabeelooyinka oo ay ku xoogan tahay Shabaab.