Daawo: Sanbaloolshe oo shaaciyey inuu isbeddelay fikirkii uu ka haystay Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) –Taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo shalay hadal ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo degmada Deyniile loogu sameeyey Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku amaanay sida uu u maareeyey isqab-qabsigii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, isagoo bulshadii isugu timid munaasabadaas ka codsaday in si dhab ah loola shaqeeyo Rooble.

“Berigii hore anigu waxaan dhihi jiray ninkaan mas’uuliyadiisa marti ayuu ka yahay, waxaa la dhihi jiray waa wax ma tare oo xilka ayaa ku filnaaday, laakiin hadda xantaas meesha waa ka baxday, waxaa cadaatay inaa tahay nin nabadoon ah oo soo daahay,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mas’uuliyad adag ay hor taallo Rooble, isla markaana dhamaan Soomaalida uu waajib ka saran yahay inay gacan siiyaan Ra’iisul wasaaraha, “Waxaad sidaa Dambiil ay ku jirto danta dadkeena iyo dalkeena waana inaan kula wada qaadno,” ayuu yiri.

Sanbaloolshe oo dadka reer Muqdisho la dardaarmaayey ayaa yiri, “Waxaan rabaa inaan u sheego magaaladaan Muqdisho dadka degan, afar shay qoladii isku darsataa ma guuleysato. Calaacal joogto ah, eed sheegasho joogto ah, dagaal joogto ah iyo rajo beel joogto ah, intaas hadii ay isku darsadaan dadkaas ma guuleystaan, marka reer Muqdisho waxaan leeyahay calaacalka hala joojiyo, waxaan rajeynayaa reer Muqdisho inay noqdaan dadka guuleystay oo lagu daysado, dalkaan waxuu ku jiraa xaalad adag, waxaana la rabaa in si degan oo xigmadi ku jirto looga gudbo xaaladaan, dadka reer Muqdishana waxaan rajeynayaa inay hormuud u noqdaan.”

Mar uu si gaar ah ula hadlaayey Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sheegay in wixii xumaan ahaa ay dambiil isaga tuureen isaga iyo siyaasiyiinta kaleba, “Mar-marka qaar waxaan is leenahay amaa ra’iisul wasaaraha lugta looga dhegan yahay, laakiin hadda kadib cidii kugu dhegta angoo og ayaan tan dhinaceena ah ka gudbeynaa, ra’iisul wasaare dadka inta maqan isku doon, anagana waan kaala shaqeyneynaa,” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay booqasho ku tegay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir oo ah degmo gees uga baxsan magaalada, sidoo kale ka baaxad weyn inta badan degmooyinka caasimadda Muqdisho.

Siyaasiyiinta iyo bulshada reer Deyniile ayaa ra’iisul wasaaraha iyo wasiirro ka tirsan xukuumadiisa u sameeyey munaasabad ay ku soo dhaweynayeen hanaanka ay u socoto howsha qabsoomidda doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey bulshada degmada Deyniile tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga caasimadda iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka iyo bilicda gobolka Banaadir, isagoo adkeeyey ballan-qaadkii xukuumadiisa ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka  doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, lagana fogaado dhaliilaha aan wax dhisayn, si loo sii amba-qaado qabsoomidda doorashada.

Dhankooda, waxgaradka, aqoonyahanka iyo bulshada degmada Deyniile ee kulanka soo agaasimay ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaraaha iyo xukuumadda uu hoggaaminayo dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta hannaanka siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo sida ay uga go’an tahay Ra’iisul Wasaaruha in uu xiriir dhow la yeesho qeybaha bulshada.

 Hoos ka Daawo Sanbaloolshe