War cusub oo kasoo kordhay xiisadda ka dhex-oogan, Masar, Sudan iyo Ethiopia

Qahira (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa markale digniin adag u diray Ethiopia oo ay kala dhaxeyso xiisada webiga Nile-ka oo ay xukuumadda Abiy Ahmed ka sameysatay biyo xireen.

Labada dowladooda ayaa markale ku celiyay in Ethiopia ay ku xad-gudbeyso xuquuqda biyaha ay ku leeyihiin Wabiga Nile, taas oo ay ku sheegeen in ay halis ku tahay dadkooda.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo wada saareen dalalka Masar iyo Sudan ayaa waxaa lagu sheegay in Ethiopia aysan tix-gelineyn caqabada uga imaaneysa danaha labada dal ee ku aadan biyo xireenkeeda.

Waxa kale oo ay qoraalka ku xuseen in Ethiopia ay iska indho tireyso halista ka imaan karta muranka kala dhaxeeya ee Wabiga Nile ee ku saabsan mashruuca biyo xireenka Ethiopia.

War-saxaafadeedka labada dal ayaa sidoo kale looga hadlay waxyeelada ba’an ee ka dhalan karta buuxinta ay Ethiopia ka wado biyo xireenkeeda, iyada oo aan la gaarin heshiis saddex geesood ah oo ay Ethiopia la gasho dalalka Masar iyo Sudan.

Ugu dambeyntiina waxaa qoraalka lagu xusay in baah loo qabo guddi beesha caalamk ah oo qiimeyn ku sameeya qasaaraha buuxinta labaad ee biyo xireenka Ethiopia.

Si kastaba, digniintan ayaa imaneysa kadib kulamo maalmihii u dambeeyay u socday Guddiga isku dhafka ah ee dalalka Masar iyo Sudan, kuwaasi oo lagu wado inay dhawaan qeyb ka noqdaan Saraakiil Mareykan iyo Reer Yurub isugu jira, si xal hordhac ah looga gaaro xiisada iyo khilaafka muddada badan taagna ee Wabiga Nile.