Digashadii Wasiir Dubbe iyo afar in la is-weydiiyo mudan

Muqdisho waxa ay wehel u noqotay maalmo waalidiin hooyooyin u badan qabowga iyo kuleylkuba ugu darsamay hurdo la’aan iyo harsasho la’aan ku riday maqnaashaha caruurtooda oo nolol iyo heeri midna aysan ku heyn.

Waa dareen xanuunkiisa leh ubad aad dhashay oo kaa maqan, balse waxa ka sii xanuun badan dowladdii mas’uuliyadda dhalinyaradaas qaaday oo Wasiir Dubbe u soo adeegsatay waalidka si uu laabkiciyo, uguna digto, udiir nixid warkii iskaba daa.

Maxaa u diidaya Madaxdii Qaranka u dhaaratay oo ugu horreeyo Madaxweyne Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo in ay u laab qaboojiyaan waalidiinta xanuunka uu heysto.

Waa su’aalo xanuun badan oo dareenka qalbi wehel u noqday murugada uu is weydiinayo:

1. Yaa dalka iyo dadka ka mas’uul ah mar haddey madaxdu qaranku ka aamusantahay waalidiinta cabaneysa?

2. Yey tahay cidda wax laga weydiinayo dhallinyarada tababarka loo qaaday?

3. Waalidiinta Soomaaliyeed ma aamini doonaan tababar dambo oo caruurtooda dibadda loogu qaadayo?

4. Madaxweyne Farmaajo maxaa diidaya in uu horyimaado shacabka kadibna u caddeeyo waalidiinta cabaneysa xaaladda caruurtooda?

Waa dhibaato culeyskeeda leh oo xanuunkeeda si dhab ah u dareemi karto hooyo wiilkeedii ka maqanyahay.

Qalinku waa dareenside xanuunka la qeybsanaya waalidka ilinta ka qubaneysa, qadarina ka waayay madaxdii shalay ay caleemo qoyan u qaadayeen.

Allow u laab qabooji waalidkaan dareenkoodu aan laga damqaneynin.

W/D: Xasan Wali Guure

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid